AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardar gelinta dagaalka Al-Shabaab ugu wareegaya Maxaas

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu u soo wareego Magalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isla markaana, halkaas uu ka hago howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo siwadajir ah looga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa muddo ku dhow bil ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka waday dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana Ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen degaano iyo degmooyin dhowr ah oo katirsan Gobolka Galgaduud wallow Ciidamadu ay kasoo baxaan.

Shalay waxaa degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan gaaray Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wata Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo horudhac u ah Wafdiga Madaxweynaha.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay Magaalada Maxaas gaari doonaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaban qaabinaya soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ay Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Magaalada Maxaas ka hagi doono howlgallada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ay ku doonayaan inay kula wareegaan degaano iyo degmooyin katirsan Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug Goobaha ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan ,kuwaas oo ay kamid yihiin Ciidamadii dhawaan qabtay degmada Maxaas ee kasoo baxay, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Magacaaban ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa iyana dhankooda waxaa ay meelo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka wadaan abaabulka howlgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab.