AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha & waxgaradka degmada Maxaas

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Al-Shabaab ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda halganka dalka looga saarayo Al-Shabaab.