AKHRISO:- Maraykanka oo Iran u fasaxaya $6 billion si ay u sii dayso 5 muwaadin

0

Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xiran dalka Iran.

Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.

Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.

Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.