AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Saaxiibo ka tirsan Al-Shabaab

0

Maxkaamdda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab una u qaabilsanaayeen weerarada ka dhacay Muqdisho, iyaga oo Caasimadda ka fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ay ahaayee saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow ayaa Al-Shabaab kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha,

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka ee dilalka geysta waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah Ururka Al-Shabaab.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ururka kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku biiritaankiisa lahaa oo ku khalqaaliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.
Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Qoslaaye uu sahmiyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.