Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqada ka joojiyey agaasimaha guud ee wasaaradda Sharmaarke Yaasiin Cali.
Warqada shaqa joojinta ee kasoo baxday xafiiska wasiirka ayaa lagu cadeeyey in agaasimaha guud uu ku kacay amar diido iyo sidoo kale ficilo khal khalgelin ku keenay shaqada Wasaaradda.