AKHRISO:- Hawlgal lagu dilay Xubno ka Tirsan Alshabaab oo ka dhacay Galmudug

0

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay howlgal qorsheysan ku fileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Howlgalkan ayaa la sheegay in lagu dilay 27 xubnood oo Al-shabaab ah oo kun sugnaa sadax xarumood oo ku yaala deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka tirsan Galmudug.

Ciidamada is garabaanaya ayaa sidoo kale ku burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Shabaab ee howlgalka lagu lagu dilay .

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta Dawlada u sheegay in howlgallada lagu beegsanayouu weli ka socda Mudug iyoi Galgaduud.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanadaas, waxaana ciidamada ay howlgaladaasi Al-shabaab uga saareen deegaano badan oo ay horay uiga talinayeen .