AKHRISO:- Maxkamadda G/Banaadir oo Maanta ku dhawaaqeysa xukunka Mas’uuliyiin loo heysto musuq

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ku dhawaaqdo xukunka 11 eedeysane oo loo haysto musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Xubnaha eedeysanayaasha ah oo xillal kala duwan ka hayay Wasaaraddo iyo Hay’addo kuwa dawladda ah, ayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq-Maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku Takrifal hanti dadweyne.

Dhagaysiga dacwadda 11 ka eedeysane loo haystay ayaa la soo gabagabeeyay, waxana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka raggan, iyadoona laga dhowrsugayo xukunka Guddoomiyaha Maxkamadda Saalax Dabaan.

Maxkamadda ayaa waxaa sidoo kale horyaala kiisaska eedeysanayaal farabadan oo loo heysto musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, kuwaasi oo uu dacwad kasoo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.