Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Buu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ilaa Saddex qarax jugtooda laga maqlay degmada Buu’aale sigaar ah xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmadaas, waxaana duqeyntaas fuliyay saaxiibada Caalamiga ah oo taageeraya dowladda Soomaaliya.
Goobaha ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Saldhiga, warbiya ah dhinaceeda iyo Isbartiibada, halkaas oo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.
Markii ay duqeynta dhacday ayaa waxaa hawada laga saaray Isgaarsiinta degmada Buu’aale taas oo yareysay in la ogaado xogta khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse saraakiil katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay sheegeen in khasaaro xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay duqeynta.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin kama bixin duqeynta lala beegsaday Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.