Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland , Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyaan Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Asluubta gobolka Mudug ayaa safar shaqo ku tagay Degsiimada Xero-jaalle oo ay ka jirtay isku dhac laba beelood oo wallaalo ah kuwaas oo isu uruursaday laba Maleeshiyo Beeleed.
Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiin la socday ayaa Ciidamo katirsan kuwa Puntland oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish kala dhex-dhigay labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay isku hor-fadhiyay degaanka Degsiimada Xero-jaalle .
Labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay oo u badan Xoolo Dhaqato ayaa isku heystay dhul daaqsimeed degaankaas kuyaalla, waxaanba dhowr jeer ay iska dileen dad farabadan, sidoo kalena dagaalkooda.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland , Faysal Sheekh Cali iyo saraakiisha ayaa kulan laqaatay dhinacyada is haya waxaana lagu guulaystay kala kaxaynta labada maleeshiyo iyo xal u helida khilaafka.
War kasoo baxay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la isku afgartay in wadahal lagu dhameeyo xaajada la isku haayo oo mudo 10 sano kabadan soo jiitamaysay.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Mudug oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug waxaa kusoo laab laabtay dagaal Beeleedyada, iyada oo labada Maamul ay ku guuldareysteen inay ka hortagaan dagaaladaas.