AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed?

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada deegaanka oo ay ugu horreeyaan amniga, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Odayaasha dhaqan ayaa u sheegay guddoomiyaha in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan abaabulka dagaalka degaannada Koonfur Galbeed looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay adkeysiga iyo xoojinta dadaalada ay ku doonayaan inay in Al-Shabaab isaga xorreeyaan si deeganadaan ay dib ugu soo laabtaan dhammaan adeegyada kala duwan ee dowladda.