Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qaraxweyn oo saakay ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa wararku ay sheegayaan in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada dawlada ay ku leeyhihiin halkaas.
Ciidamada Dawlada ee ku sugan degaanka Ceelasha biyaha gaar’ahaan inta u dhexeysa Baar Alnasri 3 iyo sheekh Rufaaci oo halkaas barkoontrool ku leh ayaa la sheegay in ay rasaaseeyeen gaari si xawli ah ku socday kaas oo qarxay markii rasaasta ciidanka ay ku fureen
Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa blasé qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta Dawlada ayaa u qornaa sidan:
Ciidamo ku sugan Bar control oo ku taala ceelasha biyaha inta u dhexeysa Baar Al-nasri 3 iyo Sheekh Rufaaci ayaa rasas huwiyey gaariga oo xoog ku socday taas waxaa ay keentay in dhagartii ay doonayeen ilaahay ku fashiliyey gacmaha geesiyaasha ayaa lagu yiri qoraalkan lagu daabacay warbaahinta Dawlada.