Afhayeenka Milliteriga dalka Masar, Kolonel Qariib C/Xaafid Qariib ayaa xaqiijiyey inay Askarta ku dhaawacmeen Duqeyn Madfac uu Taangi Israeli ah uu si qaldan loogu duqeeyey Xuduudka Masar.
Madfacaasi waxaa ku dhaawacmay dhowr ka tirsan Ciiddanka Ilaalada Xuduudaha ee Masar oo ku sugnaa Bar Ilaalo oo ku taalla meel u dhow Macbarka Karam Abu Saalim oo ku yaalla Xuduudka Saddex Geesoodka ee u dhexeeya Masar, Qasa iyo Israel.
Qoraal uu Afhayeenka Milliteriga Masaarida soo dhigay Barta Rasmiga ee ay Ciiddanka ku leeyihiin Facebook waxa kale oo uu ku sheegay inuu madfaca habowga uu burbur u geystay mid ka mid ah Baraha Taawarka ee wax laga ilaaleeyo (Watchtower).
Dhanka kale, Ciiddanka Israel waxay caawa raalli gelin ka bixiyeen Duqeyntaasi, iyagoo tilmaamay in mid ka mid Taangiyadooda uu si qaldan u duqeeyey Barta Ilaalada ee xuduudka dalka Masar, xilli uu maanta dagaal ka socday Marinka Qasa.
Bayaanka Milliteriga Israel waxaa lagu xusay inay socdaan Baaritaanka Shilkaasi, sida lagu daabacay Wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth