AKHRISO:- Kenya oo shaacisay Magacyada 35 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab oo lagu Eedeeyay Weeraradii gobolka Lamu

0

Kenya ayaa shaacisay magacyada 35 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen weerarro ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu.

Dowladda Kenaya ayaa dalbaday shacabka dalkeeda inay si iskaa wax u qabso ah ugu soo gudbiyaan macluumaad horseedi kara in la soo qabto 35 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyey weeraradii ka dhacay gobolka Lamu.

Madaxda Hay’adda damni barista ee Kenya ayaa codsanaysaay bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah ugu soo gudbiyaan hxogta horseedaysa in la soosoo qabto soddon iyo shanta eedaysane ee ka dambeeyay Wararadii Xeebta laamu, kuwaas oo qayb ka ah shabakada Al-Shabaab, u qaabilsanaa qorshaynta iyo abaabulka weeraradaas iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska booliiska la dagaalanka argigixisada Kenya.

Sidoo kale’ Dawlada Kenya ayaa ku amartay eedeysanayaasha inay si deg deg ah iskugu soo dhiibaan booliiska.

Dawlada Kenya ayaa Dhanka kale sheegtay inay abaalmarin siinayso ciddii la timaada xog horseedaysa in la soo xiro Eedeysanayaasha .