Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Dabakaaya Madow iyo Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta galbeed.
Dhismaha waddadan ayaa ah mid iskutashi ah oo ay iska kaashan doonan dadka reer Dharkeenley, rugta ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu horeysay oo Laami la saari doono taas oo hirglinteeda ay baahi u qabeen bulshada reer Madiina.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo lagu hagaajinayo jiadad bur buray sidoo kalena lagu hergelinayo wadooyin Cusub oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo Gaadiidka .