AKHRISO:- Madaxweyne Lafta gareen oo degmada Diinsoor ka bilaabay Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga XFS iyo Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed ayaa gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Alshabaab looga saarayo degaanada Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa muddooyinka ku hawlanaa dardargelinta wejiga labaad ee Haegalada ka dhan ah Alshabaab ee ka bilaabanaya degaanada KGS.