AKHRISO:- Xamaas oo ka hadashay tirada dhimashadu marayso hadda

0

Ugu yaraan 8,306 qof – oo ay ku jiraan 3,457 carruur ah – ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii Israa’iil ay billowday duqeymo aargoosi ah oo ay ku hayso deegaanka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Tirada ayaa sidoo kale waxaa ku jira 2,136 haween ah, iyo 480 waayeel ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in isbitaallada Qasa ay si dirqi ah u shaqeeyaan sababo la xiriira koronto yaraan iyo sahayda oo gabaabsi sii noqonaysa.