AKHRISO:- Dilal xalay ka dhacay Dhuusamareeb & faah faahino laga helayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay rag Ganacsato ahaa.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay kudileen Dhuusamareeb laba Nin oo Ganacsade ahaa laguna Magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Xasan Diirshe, iyada oo maleeshiyaadkii dilka geystay ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan Laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa iney gaareen goobihii lagu diley labada marxuum, in kastoo aysan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dilkaan xalay Magaalada Dhuusamareeb loogu geystay Ragga Ganacsatada ahaa ayaa kusoo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay colaad u dhaxeysay laba Maleeshiyo Beeleed ay ka jirtay deegaanka Xananbuuro ee Gobolka Galgaduud.