Ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada Ururka 162aad ee Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB ay sigaar ah uga fuliyeen dhulka Howdka ah ee degaannada kala ah, Yaaq-Xaluul, Qodqod, Guduloow iyo Beerxaani, kuwaas oo dhammaantood katirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in degaannada howlgallada laga sameeyay ay ahaayeen kuwo ay saldhigyo ku lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana mararka qaar ay weerarada qorsheysan kasoo abaabuli jireen.
Taliyaha Ciidamada Ururka 162aad ee Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB Carab Dheeg Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen burburinta Saldhigyadii Al-Shababaab iyo Goobo ay dadka ku dhibaateyn jireen sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray taliyaha inay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgallada degaannada Jubbaland sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa guud ahaan ay ka saarayaan degaannada Jubbaland.
Howlgalkan ay Ciidamada DANAB ka sameeyeen degaannada katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo aadaya xilli degaannada Maamulka Jubbaland looga diyaar garoobayo billaabida wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.