Xukuumada Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo hore loogu helay in ay dilal ka geysteen meelo kala duwan oo kamid ah degaannada Maamulkaasi Somaliland.
Dilka Toogashada ayaa ka dhacay deegaanka Madheera oo caan ku ah qisaasta isla markaana ay xukuumadu u adeegsato in ay ku fuliso qisaasta dadka lagu helo falalka dilalka ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan sexeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, kuwaas oo Xukuumadda Somaliland ay Magacyadooda ku kala sheegtay.
1: Ayaanle Axmed Ismaacii Ina Basra Cali 23 Jira ah, kaas oo lagu helay in uu Magaalada Berbera ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cabdi Mahad Aadan Maxamuud
2: Cabdirashiid Maxamed Askar Ina Jamaad Rasaas oo 32 jira ah, kaas oo Magaalada Hargeysa ku dilay Maxamed Cali Xeri oo kamid ahaa dadka kunool Magaaladaasi Hargeysa ee degaannada Somaliland.
3: liibaan Khadar Aadan Ina Koos Cabdi 25 jir ah, isla markaana Magaalada Hargeysa si bareer ah ugu dilay Marxuum Cabdalla Axmed Xaaji Cabdi.
4: Xamse Cali Ismaaciil Ina Faadumo Axmed oo 26 jir ah, kaas oo magaalada Burco ku dilay Muuse Jaamac Aadan.
5: Xuseen Carab Musue Ina Ceebla Maxamuud oo 60 jir ah, kaas oo Magaalada Burco ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Aadan Geelle.
Dadkan ay Maanta xukuumadda Somaliland ugu fulisay dilka toogashada ah fagaaro kuyaalla bannaanka Xabsiga Madheera ayaa badanood waxaa ay xirnaayeen muddo sanado ah, hayeeshee ugu dambeyn Maamnta la toogtay kadib markii uu saxiixay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi