AKHRISO:- Tirada dadka ku dhintay weerarka ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Al-Shifa oo korodhay

0

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada weerarkii Israa’iil ee la beegsaday baabuur ambalaas ah oo marayay afaafka hore ee cisbitaalka magaalada Gaza ay gaartay 15 dhimasho ah iyo 60 dhaawac ah, kaddib markii Israa’iil ay xaqiijisay in gaariga la beegsaday, iyadoo sheegtay.

“Ururka argagixisada Xamaas” ayaa isticmaalayey. Tiro hore ayaa lagu sheegay in 13 qof ay ku dhinteen 26 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Ashraf Al-Qudra ayaa xaqiijiyay in “Israa’iil ay si ula kac ah u duqaysay baabuurta gurmadka degdega ah ee ka soo horjeedda xarunta caafimaadka ee Al-Shifa si ay uga hortagto dadka dhaawaca ah in loo qaado Masar si loogu soo daweeyo.” Waxa uu tilmaamay in Gaariga Ambalaasta ah ee la beegsaday uu waday tiro dad ah oo dhaawac ah oo la doonayay in lagu soo daweyeyo dalka Masar.