Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay gudaha dalkaasi ku dileen laba dhalinyaro Soomaali ah, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Alle ha u naxariistee deegaanka Phillipi oo hoostaga Magaalada Cape Town ayaa lagu dilay labada muwaadin oo Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin,
Goobjoogayaal aya Warbaahinta u sheegay in kooxda burcada ah ay weerartay dukaan ay ku sugnaayeen labada wiil ee Soomaalida ah, halkaasna ku dileen,kaddibna dhac u geysteen dukaankii ay ka Shaqeeynayeen.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baariotaano wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilak muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Todobaadkaan waxaa dalka koonfur Afrika lagu dilay 8 muwaadiniin Soomaali ah, halka tiro kale lagu dhaawacay, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay indhaha ka eeganayaan.