Degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan dib u billaabida howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada Ururka 7-aad ee Guutada 18-aad ee Gorgor ayaa gaaray Gobolka Mudug, kuwaas oo ku biiraya ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ee ku sugan aagga Shabeellow.
Taliye ku xigeenka Guutada 18-aad ee Ciidamada Gorgor Gaashaanlle Cabdi Suulnuuge iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wisil ayaa kusoo dhaweeyey Ciidamadaan.
Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii Guud ahaan degaannada kuyaalla Koonfurta Gobolada Muudg uga xorreeyaan Al-Shabaab, isla markaana howlgalladii hakadka ku yimid ay dib u billaaban doonaan.
Waxaa ay sheegeen in howlgallada ay noqon doonaan kuwo aan kala joogi laheyn, si guud ahaan degaannada Maamulka Galmudug ay xor uga noqdaan Ururka Al-Shabaab.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay degaannada kuyaalla Gobolka Mudug dib uga bilalawdaan howlgallada, waxaana Ciidamada Maanta gaaray oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwanay fariisn ka sameysteen aaga Shabeellow, halkaas oo howlgalka uu ka billaaban doono.