Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Nin ku eedeysan dil loo geystay Alle ha u narariistee Marxuum C/laahi Cali Hudeey oo ka mid ahaa Dhalinyarada ganacsata ah ee Degmada Guriceel, isla markaana la dhashay Taliyaha Booliska degmadaas.
Ninka Ciidamada Ammaanka ay soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Cabdisalaam Cali Axmed, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ku dhuumaaleysanayay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macalin ayaa faah faahin guud ka bixiyay howlgalka lagu soo qabtay Ninka ku eedeysan dilka Ninka la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel.
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa degaannada Maamulka Galmudug ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, sida Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, hayeeshee weli Ciidamada Ammaanka aysan gacanta ku dhigin Kooxihii labada qof ku dilay Magaalada Dhuusamareeb.