AKHRISO:- Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo Wafdigiisa ay qeyb ka ahayeen Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka.

Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilaada wafdiga ay ku wehlinayeen Gudiga Gurmadaka Fatahaadaha Koonfur Galbeed ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wafdigiisa la wadaagay dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyey ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.