AKHRISO:- Dallada Mucaaradka Puntland oo shaacisay jadwal doorasho oo hal dhinac ah

0

Kadib Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe Daladda Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada Maamulka Puntland oo hal dhinac ah.

Qoraal kasoo baxay Dallada ayaa waxaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin ilaalinta xasiloonida iyo sharuucdii lagu dhisay Puntland, ayna u arkaan in ay muhiim tahay in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda oo ah 8 Bisha Febaraayo ee sanadka 2024.

Hoos Ka Akhriso Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Baarlamaanka, doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.