AKHRISO:- Maxay tahay sababta SSC-Khaatumo looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada?

0

Ilo ka tirsan wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in gabi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Ilahan ayaa sheegay inay arintan u qaadatay soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmamaay inaysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay inaysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska ka dib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ee dalka.

‘‘Wasaarada ayaa markii hore qaatay go,aanka in SSC-Khaatmo lagu daro liiska maamulada ciyaaraya sababtoo ah in dhalinyaradaas deeganadooda ay ka dhaceen colaadaha la siiyo fursad ay kaga qayb gali karaan is dhexgalka ayaa ahay muhiimada kowaad hase yeeshee guddiga garsoorka ayaa ku adkaystay inaysan buuxin shuruudihii looga baahnaa saasna aysan ugu qab gali karin ka dibna ay wasaaradu ku qanacday soo jeedintooda” ayey ilo ka tirsan wasaarada ciyaarahu intaa ku dareen.

Dhanka Khaatumo oo aan la hadalnay sarkaal dhanka cayaaraha u qaabilsan ayaa sheegay inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa.