AKHRISO:- Maleeshiyo ku dagaalantay degaanno ka tirsan Puntland oo la kala qaaday

0

Wararka imaanaya Puntland ayaa sheegaya Maleeshiya-beeleed dhawaan ku dagaalamay degaanka Sheerbi oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa lagu guulaystay in la kala qaado .

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Puntland oo kaashanaya waxgaradka labada dhinac ee dagaallamay ayaa sida lagu soo warramayo ku guulaystay in la kala qaado maleeshiyaadka.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxgaradka labada beelood ku qanciyay in gogol nabadeed loo dhigo magaalada Carmo ee gobolka Bari si loo hirgeliyo xabbad-joojin islamarkaana loo dhammaystiro nabadaynta.

Amniga degaanka Sheerbi ayaa sidoo kale waxa weli gacanta ku haya ciidamada Daraawiishta Puntland oo la kala dhex dhigay beelihii dagaallamay inkastoo laga barakacay degaankaasi.