Safiirka Dawlada Ruushka u Fadhiya Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoonsiiyaan markab sida gargaar cunto.
Markabkaasi sida cunada Gargaarka ah ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.
Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ay ku jirto dhowr bilood ka hor.
Danjiraha Ruuka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daud Aweis Jama iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).
Hase’ haatee Markabkaan sida Cunuda Gargaarka ee Ruushka uu ugu deeqay Somaaliya ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordheyso Xaaladaha Bani’aadanimo ee ka dhashay Faatahaadaha Webiyada iyo Daadadka waxaana Qoysas badan oo Soomaaliyeed islamarkaana Saameyn xooggan ay ku yeesheean Fataahaadaha ay u baahan yihiin Gargaarka deg deg ah.