Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kulan uga qayb galay Magaalada Kismaayo , ayaa bulshada ku dhaqan magaaladaas uga jawaabay su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Xukuumaddiisa iyo halka la hiigsanayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, la dagaalanka Alshabaab , gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Sra’iisal wasaare Xamse ayaa ka hadlay sababta gurmad loo gaarsiin la’yahay Dad badan oo ku go’doomay Daadadka Robka iyo Fatahaadaha Webiyada ay geysteen.
Ugu dambeeyntiina Ra’iisul Waasre Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, la dagaalanka Alshabaab iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad.