Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in uu kulan wadatashi ah ugu yeeray inay ku yimaadaan Xarunta Madaxtooyada Guddoonka Golaha Wakiilada Maamulkaasi Puntland.
Kulanka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee ka taagan degaannada Puntland, sigaar ah doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay.
Habeen ka hor Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay qaatay qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasaddda Puntland, isaga oo shaaciyay in Hannaanka qof iyo cod lagu galayo doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada, taas oo ah mid ay weli diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Kulanka ayaa Madaxweynaha Puntland wuxuu ka sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa weli ka socda Kulamo kala duwan oo ay wadaan Odayaasha Dhaqanka SSC Khaatuma, kaas oo ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynaha Puntland.