Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya inay Alshabaab ay isaga bexeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaannada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka Mudug .
Xubnaha Alshabab ee Saldhigyadaas isaga baxay ayaa la sheegay in ay siidaayeen Maxaabiis badan oo oo halkaas ku xirnaa .
Ilaa hadda lama oga sababta Xubnahaan ka tirsan Alshabaab ay isaga bexeen saldhigyadaasi balse wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka Dhaq dhaqaaqyo halkaas ay ka bilabeen .
Sido kale Degaanka Bajeela eek u yaala Koonfurta Gobolka mudug ayaa xalay lagu soo Bandhigay 6 ka mid ah Maxaabiistii Al-shabaab ay sii daayeen kuwaasoo ka mid ahaa 11 Qof oo shacab ahaa oo ay sanadkii 2021 ay ka kaxeysteen Miyiga Degmada Wisil ee koofurta gobolka Mudug..
6-da Qof ee xalay lagu soo bandhigay deegaanka Bajeelada waxaa ku jira 2 wiil oo saqiiro ah oo Alshabaab u xirnaa muddo sanado ah .