Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgallo qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidamada Ururka 260aad Onkod ee xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka fuliyeen degaanka Dhurey iyo deegaano kale, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260aad Onkod Macalin Aadan ayaa howlgalka hoggaaminayay, waxaana ay sheegeen inay burburiyeen saldhigyadii ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Dhurey ee degmada Waajid.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fulinayaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Bakool si ay uga saaraan Al-Shabaab.
Howlgakan ay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya xilli degaannada Koonfur Galbeed looga diyaar garoobayo billaabida wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Waajid ayaa kormeer ugu tegay Saldhiga ay Magaalada Waajid kaga sugan yihiin Ciidanka Degaanka oo u diyaarsan sidii uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka Wajigiisa Labaad ee ka Bilaaban doona Degaannada Koonfur Galbeed.