Xaggee Laga Doonay Xalka Jubbooyinka: Saddex Su’aalood Oo Fud-fudud?

0

London(AGGM): Akhriste anigu waxaan ahay aqoonyahan arrimaha Soomaaliya muddo baaritaan ku hayay gaar ahaan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo aan aqoon gaar ah u leeyahay. Qoraalkaan waxaan idin kugu iftiimin doonaa meesha laga qalday dib u heshiisiintii Jubbooyinka.

Si kooban: Umada dib u heshiisiinta u baahan gobolada Jubbooyinka ma beelahaa mise hanaanka siyaasada? Suaashaas waxaan jawaabteeda u daynayaa adiga.

Waxaa aad iiga yaabisay in todobaad ka hor magaalada Kismaayo laga daahfuray shir loogu magac daray Dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka, anigu ma aaminsani in ay jiraan beelo si gaar ah u dagaalsan, ciddii halkaas awrka u hoggaamisayna waxay been ka sheegtay runta dhabta ee Kismaayo ka jirta. Kismaayo waxaa haysata koox beeleed duulaan ku timid dhulka ee ma ahan kuwa astaantoodu ay tahay qabiil, kooxdaas waa koox maafiyo ah waxaana kamid ah dad doonaya in ay umaddaas qori ku xukumaan.

Haddii ay beelaha SADE iyo Kablalax dagaalsanyihiin, Maxay Fartaag iyo Axmed Madoobe isku ag-fadhiyaan. Anigu waxaan aaminsahay in arrinta loo wajaho dhinaca siyaasada oo umadda laga hor leexiyo calooshood u shaqeystayaasha Fartaag iyo Axmed Madoobe.

Markii aan koow arkay muuqaalka shirkaas laga soo duubay, waxaan iswaydiiyey war ma sixranyihiin nimankaan siyaasada sheeganaya ee uu ugu horeeyo Yuulka ama raisul wasaaraha? Ma Mudantahay in arrintii la rabay in siyaasada loo abaaro loo doono hab qaldan oo la yirahdo oday hebeloow kaalay ka hadal siyaasad.

Ma jirto wax dirir ah oo ka dhaxaysa dadka shaqsiyaadka ah ee beelahaas balse waxaa laga dagaalamayaa waa qowlaysata duulaanka ku ah deegaankaas ee isaga timid kilinka 5aad iyo Gaarisa, iyo hagardaamayaasha ay gabaadka siiyeen oo ay magac beel in ay matalaan ka dhigayaan sida Fartaag oo kale oo aan wax sumcad ah ku dhex lahayn beesha uu ka jeedo.

Anigu waxaan qabaa in arrimaha Jubbooyinka ay ka hadlaan Dadka deegaanka siyaasiyiintooda iyo hoggaanka ciidamada qaranka ee Goobweyn fadhiya ee uu hoggaamiyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Col Barre Hiiraale iyo waxgaradka kale ee xasuuqa Kismaayo ka dhiidhiyey.

Cali Warsame Cumar

London, UK

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com