Tacsi Qaran : Waxaa saaka si lama filaan ah oo naxdin leh ugu geeriyooday Magaalada Nairobi Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Adeega Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda. Kan Shacabka iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii, iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.
“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeridu waa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Eeheladii Qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Aamiin Aamiin Aamiin
Mogadishu, Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com