Waa Magaaladii loolanka Siyaasada Soomaaliya. Marka dhinac kale laga Eego waa Gobol dhameystiran oo dadka ku nool ay tahay inay la mid-noqdaan dhanka xaquuqaha qeybaha kale ee dalka.
Waa gobol dhaqaale ahaan isku filan, islamarkaana wax tar u leh dalka intiisa kale.
Waxa ku nool in ka badan Saddex milyan oo dad ah. Maalmo kadib weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka loo dhanyahay ee Soomaaliya, waxaa soo baxaya in Shacabka gobolka Banaadir aysan kale jeclayn wixii dhacay.
Laakin marka dhan kale laga Eego meesha dadka ku dhintay waxaa u badan dhalinyaro ciidan u badan oo Soomaali ah oo difaacayey Barlamaanka loo dhanyahay ee Soomaaliyeed.
Dhimashada askarta Soomaalida ah ayaad moodaa in ay tiraanyo ku hayso dadka gobolka Banaadir.
Qaarkood oo aan la hadlay weerarka kadib waxay ii sheegeen inay jeclaan lahaayeen inay arkaan dhimashada Xildhibaano badan halkii ay arki lahaayeen Askar badan! Sababaha ay sidaas u jecelyihiin ma fahmin.
Laakin waa wax la dareemi karo haddii aad halkan, Muqdisho ku noo shahay.
Ka sokow in la yiraahdo Muqdisho waa Caasimad, misna Muqdisho waa Gobol waxana saaran dadka gobolkan Culeys siyaasadeed, cunaqabateyn, iyo lag-dan siyaasiyiin maxali ah oo aan dhamaad lahayn oo waliba aysan la wadaagin gobolada kale ee dalka.
U fiirso, Madaxwaynuhu haddii uu tago Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waa Booqde, (visitor) ee ma ahan taliyeha ugu sareeya ciidanka Soomaaliya, (commander in chief).
Madaxweynuhu wuxuu tusaale u noqon karaa dowladda inteeda kale. Micnuhu waa in Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ra’iisal wasaaraha dowladda loo dhanyahay aysan waxba ka galin siyaasad ahaan, Kismaayo, Baydhabo, Garowe, Gaalkacyo iyo meelo kale oo dalka ah waayo waxaa meelahaas ka jira dowlado yar yar oo laakin awood badan.
Culayska xad-dhaafka ah ee gobolka Banaadir ee dhanka dowladda loo dhanyahay waa mid u gaar ah shacabka ku dhaqan halkan.
Waxaana culeysyadaasi ay shiiqiyeen doorkii siyaasadeed, amniyeed, dhaqaale iyo Ismaamul-goboleed ee shacabka gobolka Banaadir.
Ma jirto magaalo la mid ah Muqdisho oo Soomaaliya ku taala. Waxaadna ku ogaan kartaa haddii kun ruux oo soomaali ah laga soo tarxiilo Sacuudiga ama Kenya ee Garoonka xamarna laga soo dajiyo, lagama dareemayo Magaalada.
Waan hubaa saameynta haddii tiro intaas la mid ah ama ku dhaw laga dejiyo magaalo kale oo Soomaaliya ku taala.
Culeyska ka dhashay riwaayada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ka socota waxa kaga sii daray hab-dhaqanka Baarlamaanka loo dhanyahay ee fadhiya Muqdisho oo mooshinadiisu iyo shaqadiisu ay ku kooban-tahay Muqdisho oo kaliya marka loo Eego waxa ka jira dalka intiisa kale.
Markii ugu dambeysay Baarlamaanka Soomaaliya waxay qaateen go’aan ka careysiiyey inta badan mushtamaca ku dhaqan Magaalada Muqdisho waana markii ay mooshino siyaasadeysan ku amreen in la joojiyo mashaariic hormarineed oo Turkigu ka waday Gobolka Banaadir.
Baarlamaanka loo dhanyahay wuxuu ku guul-dareystay dejinta sharciyaddii dalka ee loo baahnaa sida sharciga gaarka ee Muqdisho sida ku xusan dastuurka qabyada ah ee dalka.
Helitaanka sharcigaasi wuxuu fure u noqon karayey amniga iyo mustaqbalka mushtamaca ku badan gobolka Banaadir oo xaq u leh inay u madaxbanaadan maamulkooda, amnigooda, dhaqaalahooda iyo siyaasadooda maxaliga ah, sida ka jirta qeybaha kale ee dalka.
Qaar badan oo ka tirsan baarlamaanka loo dhanyahay kama war qabaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay sheegtaan inay matalaan, qaarkoodna maba booqan karaan meelahaas waayo waxa ka jira sidaan hore u sheegay Maamullo (dowlado) yar yar oo awood badan islamarkaana leh Barlamaano iyo wasiiro ku dhigma dowladda loo dhanyahay ee Muqdisho fadhisa.
Amarada Wasiirada Amniga, gaashaandhiga, taliyeha Booliska, kan nabadsugida kama shaqeeyaan meel dhaafsan gobolka Banaadir waxana amaradii iyo nidaamkii dowladda loo dhanyahay ku soo aruuray Muqdisho.
Xitaa Muqdisho dowladdu ma kasban maskaxda iyo quluubta shacabka waxaana halkaas ku basbeelay shaqadii looga baahna maamulka heerka gobol oo xaq u leh sugida amniga gobolka banaadir, dejinta siyaasada-dhaqan dhaaqle ee heer gobol.
Inahaas oo dhan iyo kuwa badan oo kale marka loo Eego waxa ka jira Muqdisho waa Riwaayad aan dhamaad u muuqan.
Riwaayadan waxaa ka faa’iideystay Xarakada Al-shabaaboo meeshay rabto markay doonto Qabac weerar kaga siiya.
Jillaayaasha riwaayadan oo u muuqda kuwa aan masuul ahayn waxa kow ka ah xildhibaanada Baarlamaanka oo shaqadoodu ku kooban tahay ugaarsi Siyaasadeed oo joogta ah, waxana taasi ay cuuryaamisay shaqadii loo igmaday dowladda loo dhanyahay gaar ah Hay’adda fulinta. Laakin inkastoo riwaayadaasi socoto waxa jira fursado ficil loo bedeli karo haddii dhamaan madaxda dowladda loo dhanyahay ay masuuliyadooda gartaan horena u socdaan.
Nidaamka Federelism-ku waa ku cusub yahay Soomaaliya hase ahaatee haddii sa fiican Soomaalidu ku fahmi lahayd waa u Dabiib Soomaali, waayo waxa uu sahlayaa in dowladda loo-dhanyahay ee Muqdisho ay maamulka fidiso, si markaas uu gobol walba arrimihiisa gaarka ah ula tacaalo, gaar ahaan, mashaariicda Hormarinta, Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha garsoonka maxaliga ah ee heer gobol iyo dhamaan arrimaha bulshada. Dowladda dhexe doorkeedu waa cad-yahay waxana ka mid ah, difaaca ama gaashaandhiga, arrimaha dibeda, socodaalka, lacagta, iyo arrimo kale.
Qore: Mohamed Odowa
Wariye, dpa – Muqdisho
reporter.odowa@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com