Muqdisho (AGGM):Wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Xasan Baasto iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta soo jeediyay in la joojiyo dagaallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha hoose.
Axmed Xasan Baasto oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta colaado hor leh oo ka dhaca dalka, Wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in 25 sano kaddib ay weli jiraan dad ku lug leh dagaallo qabiil.
Wuxuu ka codsaday dhinacyada dagaallamaya inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan xabbadda.
Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaannada maamulka Galmudug oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa xusay in loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed la mideeyo, iskaashi iyo wax wada qabsina la muujiyo.
Dagaal beeleedyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa dhowaan ka soconayay gobollada Shabeellaha hoose iyo Galguduud.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com