Dhageyso: Siyaasi Cali Maxamed Axmed “Cali Daacuun” Oo Wareeysi Bixiyay Inta Aysan Xirin Ciidamada Nabad Sugidda Dowaladda Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay xirtay siyaasi Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun).

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in siyaasi Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun) ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda oo watay amar uu bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasi Cali Daacuun ayaa waxaa laga ka xeeystay aga gaarka Hotel Jasiira oo ku yaala Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kad dib markii uu wareeysi siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media.

Goobjoogeyaal ku sugnaa goobta laga kaxeeystay Siyaasi Cali Maxamed Axmed “Cali Daacuun” waxayna sheegeen in ciidamada Nabad sugidda ay wateen warqado amar ah in la soo xiro Siyaasi Cali Daacuun.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda waxaan la ogeeyn halka lagu Xiray iyo sababta uu amray Madaxweyne Xasan Sheekh xariga  Siyaasi Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun) oo ah Siyaasi si weyn oga soo horjeeda Siyaasada uu wax ku Maamulo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Cali Daacuun

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com