Muqdisho (AGGM):War ka soo baxay Ururka al shabaab ee Somalia ka dagaalamaa ayaa waxaa lagu faah faahiyay goobaha ciidamadoodu ay weerareen waxaana lagu sheegay in ay ka mid yihiin Hoteello,Banki iyo saldhig boolis oo ciidamada dowladda Kenya ay ku sugnaayeen.
Bayaanka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu yiri “Haku riyoona abid in aan nabad gelyo ugu noolaataan dhulkiina inta ay ciidankiinu dalkeena ku gummaadayaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan”.
al shabaab ayaa warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay waxay digniin kulul ugu direen dadka ajaanibta dalxiisayaasha ah ee Kenya ku sugan oo ay sheegeen in Kenya ay tahay furin dagaal.
Al shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in Dagaalamayaasha ka mid ah al shabaab Ee weerarkaas fuliyay ay mudo saacado badan ah Gacanta ku hayeen Degaanka Weerarku ka dhacay isla markaana taasi ay muujineyso awood yarida Dowladda Kenya sida qoraalka lagu yiri .
Al shabaab ayaa warsaxaafadeedkooda waxaa ay ku sheegeen in amaanka Kenya uu dhawaanahaanba faraha ka sii baxayay iyaguna ay ka go.antahay in Kenya ay dhibaateeyaan oo aysan weerarada ka joojin ilaa inta Ciidamadeedu joogan Dalka Somalia .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com