Dhageyso+Daawo: Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Isku Dhex Yaacay, Warbaahintana Ka Sheegaya Warar Kala Duwan.

0

Kismaayo (AGGM):Iyadoo Dagaal u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyada ku bahoobay magaca Raaskambooni shalay uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa wararka soo baxaya ay sheegayaan in la xaliyey xiisadii shalay keentay in dagaal dhaco.

Dagaalka shalay ayaa waxa uu dhexeeyay maleeshiyada beesha Absame iyo Beesha Harti ee ku bahoobay Raaskambooni.

Horjooge C/qaadir Daahir Faarax oo ka mid ah horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo wareysi siiyey Warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay inay ku guleysteen daminta xiisadii gacan ka hadalka shalay sababtay.

C/qaadir Daahir Faarax aya waxa uu sheegay in uu dagaalku ka biloowday dhalinyaro is af dhaaftay haddana wax shido ah aysan jirin.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Horjooge C/qaadir Daahir Faarax

Dhinaca kale Horjooge Cabdullaahi Gooni oo ka mid ah Hojoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raskambooni oo u hadlay beesha uu ka soo jeedo ee Absame ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay u dhex maray Maleeshiyada Raaskambooni iyo koox uu ku sheegay in ay soo abaabuleen kooxda al-Shabaab islamarkaana lacag la soo siiyay.

Horjooge Gooni ayaa waxaa uu ku faanay in maleeshiyaadka Raaskambooni ay si qurux badan u xasuuqeen maleeshiyaadkii ka soo horjeeday ee ka soo jeeday beesha Harti .

Halkaan Hoose Ka Daawo Horjooge Cabdullaahi Gooni

Inta la hubo dagaalkii shalay waxaa uu reebay qasaaro dhimaasho oo garaya 15 halka dhaawaca uu gaaryo 28 qof .

Isku soo wada duuboo Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa iminka waxa ay u muuqdaan kuwo isku dhex yaacay islamrkaana mid walbaa oow areeysi bixiya kan kale hadalkuu sheegay mid ka duwan sheegaya, taas oo ku tusinaysa in waxa ay dhamaantood warbaahinta ka sheegayaan ay tahay Been Cad iyo marin habaabinta bulshada aan wax badan kala socon hab dhaqankooda iyo falalka gabood falka ah ee ay u geeysteen shacabka magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com