Dhageyso:Xildhibaano Jawaab Culus Ka Bixiyay Hadalki Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Ka Hor Yiri Baarlamaanka.

0

Muqdisho (AGGM):Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si kulul uga jawaabeen Eedeen uga timid Madaxweynaha Soomaaliya,kadib khudbadii Shalay uu Baarlamaanka ka horjeediyey.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamaca ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay,in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu Baarlamaanka ku Eedeeyo in aysan gudan Waajibaad kooda oo kaliya ay ka Shaqeyaan Mooshinka laga Keeno Madaxda Dalka.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa isna sheegay in Madaxweynaha uu ka war wareegayo in lala xisaabtamo, waxaana madaxweynaha laga doonayaa inuu raaligalin ka bixiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com