Dhageyso:Madaxweynihi Hore Ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan Oo Ka Hadlay Dagaalo Beeleedyada dalka Ka Soo Cusboonaaday.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweynihii hore ee Dawladii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Diin Ahaan iyo maadi ahaan intuba lagu qadariyo ayaa ka hadlay Dagaal Beeleedka kasoo Cusboonaaday SH/Hoose.

Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay Dagaal Beeleedyada kasoo cusboonaaday Gobollada Dalka isagoo sheegay inay ka xun yihiin in qabiil la isku dilo ay dib usoo laabatay.

C/qaasim Salaad Xasan oo kusugan Dalka Masar ayaa waxa uu ku baaqay in dagaalka lagu badalo wadahadal iyo Nabad in lagu xaliyo dagaalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku Eedeeyey Dawlado shisheeye inay dalka ka wadaan sidii dagaal ay dadka Somaliyeed uga dhex abuuri lahaayeen sida dawlada Itoobiya uu si maldahan usheegay C/qaasim.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com