Muqdisho (AGGM): Danjire Mohamed Salah Annadif oo ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somaliya ahna Mas’uulka ugu sareeyo Amisom ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is Casilay.
Xogaha na soo gaaraya ayaa Sheegaya in Mohamed Salah Annadif is Casilaadiisa u gudbiyay Ururka midowga Afrika ayna ka aqbaleen, waxaana lagu wadaa in maalinta Berito ah Shir Jaraa’id uu ku qabto Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Xogta ay heshay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa Sheegaya in is casilaada Mohamed Salah Annadif ay salka ku hayso ka dib markii uu Cadaadis kala kulmay Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan wadanka kuwa Kenya oo ay Ciidamadooda Magaalada Kismaayo ka sameeyeen dhoowr jeer Amar diido ka dhan ah Taliska guud ee ciidamada Amisom.
Ciidamada Kenya ee ku hoowlgala Magaca Amisom ayaa waxa ay Magaalada Kismaayo ka wadaan qorshe yaal guracan oo aan ka mid ahayn sharciyada ciidamada Amisom ay Soomaaliya ku jogaan ayadoo digniino dhoowr ah oo uu siiyay Taliska guud ee ciidamada AMISOM ay ka dhaga adeegeen.
Wax yaabaha Kenya lagu eedeyay ayaa waxaa ka mid ah in ay qorshaynayso inay boobto dhulka Soomaaliya arintaas oo ay u fududeenayaan kooxo caado qaateyaal ah oo ayagu aan dan ka lahayn Wadajirka, Sharafta iyo Qarnimada Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Midowga Afrika ayaa waxaa laga sugayaa in ay wax ka qabato caqabada soo wajahday ee uu shaqadiisa uga tagay Danjire Mohamed Salah Annadif oo ah Wakiilka midowga Afrika ee Sooomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com