Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Dhexe inay adkeeyaan ammaanka Wadada isku xirta Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh oo shalay tagay Magaalada Jowhar ilaa Gobalka Bakool, ayaa xilli uu Warbaahinta kula hadlaye deegaanka Buurane,wuxuu sheegay in ciidamada Gobalka jooga looga fadhiyo inay sugaan ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Sh.Dhexe.
Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in loo baahan yahay dadka wadada isticmaalaya si nabadgelyo ah inay wadada ku maraan oo aysan la kulmin dhac iyo dhibaatooyin kale.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe lagu dhisayo wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo gaadiidleeyda isticmaala bur-burka wadada ay ka caban jireen.
Qorshaha dhismaha wadadaan ayaa waxaa iska kaashanaya rag ganacsato ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa ka muuqato bur-bur xoogan, xilliyada roobka uu da’ana waaba ay go’daa guud ahaan wadada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com