Dhageyso: Danjire Maxamed Saalax Annadif Oo Maanta Si Rasmi Ah Isu Casilaya.

0

Muqdisho (AGGM):Sida ay Warbaahinta shalay wararkooda ku baahiyeen, maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo is casilaadiisa Mohamed Salah Annadif Wakiilkii howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.

Danjire Annadif oo Wararka ay heshay warbaahinta Allgalgaduud Media ay sheegayaan sababaha uu isku casilay inay tahay culeyso badan oo kaga yimid qaar kamid ah Dowladaha Soomaaliya ciidamada ay ka joogaan, ay ugu horeeyso dowladda Kenya ayaa waxa uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa is casilaadiisa.

Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan xaflada Annadif uu sida rasmiga ah maanta kaga dhawaaqi doono inuu xilkaasi ka tagay.

Howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka kooban yahay ciidamo badan oo ka socda dalalka deriska la’ah dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Uganda oo doorka ugu weyn ku jirta, Burundi, Kenya Jabuuti Sierra Leone iyo Itoobiya oo dhawaan kusoo biirtay.

Ilaa hada xogta rasmiga ah ee aan helayno, waxa ay sheegeysa in sababta uu Anadif isku casilayo ay tahay cadaadis kaga yimid arimo ku aadan dhanka ciidamada Kenya ee howlgalka Midowga Afrika qeybta ka ah.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com