Muqdisho (AGGM):Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meelmariyay guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo shir guddoominayay kulanka baarlamaanka ayaa ayaa ka codsaday xildhibaannada in si deg-deg ah loo ansixiyo guddigaas.
Kulanka baarlamaanka ee lagu ansixiyay guddiga ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.
Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 29-kii bishii May ansixiyay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka oo ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo ay soo gudbisay wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com