Muqdisho (AGGM):Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 5 ruux oo ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo ka dambeeyay weerarkii todobaadkaan dhexdiisa lagu qaaday tuulooyin ku yaala jaziiradda Lamu ee dalka Kenya.
War booliska kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay 5 ruux toogteen ayagoo cararaya kadibna meesha lagu toogtay laga helay qoryaha nooca AK47 rasaas iyo walxo qarxa sida ciidamada Kenya sheegeen.
Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay in 5,taan ruux ee Shababnimada looga shakiyay lagu toogtay iska hore imaad ciidamada iyo kooxda dhex maray meydadkooda howdka laga soo saaray.
Afhayeen wasaaradda u hadlay ayaa yiri “Shan dagaalame oo Al-Shabab ka tirsan ayaanu dilnay ayagoo doonaya inay baxsadaan degaanka Bochai oo ka tirsan magaalada Mpeketoni ee jasiiradda Lamu waxaana ay wateen 3 qori oo nooca Ak47 ah rasaas iyo walxo qarxa”
Dawlada Kenya waxaa ay sheegtay in ciidamadeeda ay howlgalo rondo ah ka wado dhulka ku teedsan jaziiradda Lamu ee todobaadkaan ay ka dhaceen weeraro is xig xigay oo lagu dilay in ka badan 60 ruux.
Xarakadda Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas inkastoo dawlada Kenya ay tuhun galisay sheegashada Al-Shabab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com