Muqdisho (AGGM):Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisa maanta waxaa lagu qoray in wargeysku ogaaday in kooxdii todobaadkaan weerartay dalka Kenya uu hogaaminayay sargaal cadaan ah oo u dhashay dalka Ingiriiska oo Al-Shabab ka tirsan.
Wargeysku waxaa uu sheegay in dadkii ka bad baaday weerarkii lagu qaaday magaaladda Mpeketoni ay u sheegeen inay arkeen nin cadaan oo kala amraya dhalinyaradii weerarka geysatay ninkaasna waxaa uu ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka magaalada Mpeketoni.
Mid ka mid ah qof isku qariyay intii uu weerarka socday goob waxbarasho ayaa yiri “Kooxda nasoo weerartay waxaa ay u badnaayeen kuwo wajigu u duuban yahay waxaana amarka siinayay qof cadaan ah oo Carabi iyo Ingiriis ku hadlayay”.
Intaas kadib wargeyska The Observer ayaa sheegay in xiriir uu la sameeyay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ay u xaqiijiyeen in ruuxaas uu ahaa qof u dhashay dalka Ingiriiska oo hadda Al-Shabab ka tirsan.
Sirdoonka Ingiriisku waa ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan magaca ruuxaas ay ku sheegeen inuu British, yahay ee hogaaminayay weerarkii Kenya lagu qaaday.
Isku soo wada duuboo Al-Shabab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday magaalooyin ku yaala jaziirada Lamu waxaa la jooga ajaanib dhawr wadan u kala dhalatay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com