Muqdisho (AGGM):War la yaab leh oo Qofka damiirka leh Ee Soomaaliga ah uu Marka uu Dhageysto ama uu daawado aad uga Xumaanayo ayaa Warbaahinta Muqdisho ku soo Gudbinaysaa Iyadoo Dhacdadaan ay u Baahantahay in Qof Kasta oo Muwaadin ah uu ka qayb qaato ka hortagisteeda.
Akhriste Maanta waxaa u suura Gashay Tiiro Dhalinyaro Aqoonyahano ah oo Wax ka Barta Jaamacada Banaadir in ay indhahooda ku soo arkaan Fal dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed Ee Mudadan dheer dhibka ku jiray Kaas oo ah in Ciidamada AMISOM Ee Somalia Joogaa Raashin Date kiisu dhacay oo ay iska Fogeeyaan kuna Daadiyeen God weyn oo ku yaala Degaanka KM 13 in Dad Ganacsato ah inta Gawaari waa weyn qaateen ay ku soo daabulayaan soo galinayaan Magaalada Muqdisho si ay umada uga iibiyaan .
Raashinkaasi Datekiisa midka ugu dambeeyay waxaa uu dhacay Bishhii 3aad Ee Sanadkii Hore 2013 qaar ka mid ah Ganacsatadaas ayaa Cod laga soo qabtay waxaa ay ku sheegeen in Ujeedkoodu yahay oo kaliya in ay Lacag ka helana waxaan lkn ay ogyihiin dhibkiisa Hadaba Muhiimada ayaa ah in Dhibaatadaas oo la sheegay in waqti dheer Ganacsato ku haysay Bulshada oo aan helin cid ka difaacda laga hortago Lkn Su.aasha ayaa ah yaa iska leh Doorkaas?
Raashinkaas ayaa Waxaa Daadiyay Ciidamada AMISOM waxaana la sheegayaa in qayb weyn ku leeyihiin Dhibaatada Ganacsatadu u Geysanayaan Bulshada Wararka qaar ayaa leh Ciidamada AMISOM ayaa Gawaari uu ku Rarnaa Raashinkaasi waxaa ay ku wareejiyeen Ganacsato iyagoo Lacagna ka qaatay Taas oo la dhihi karo waa iska kaashadeen falkaan .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com