Marka (AGGM):Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Deegaanka Hareerleey oo Duleedka magaalada Marka ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay Shan haween ah oo aan waxba galabsan.
Haweenkan ayaa lagu dilay deegaankaasi waxaana dilay Maleeshiyaad Hubeysan iyadoo sidoo kale Xaalad aan wanaagsaneyn laga soo sheegayo isla deegaankaasi.
Mid kamid ah Haweenka ku dhaqan Deegaanka Hareerleey ee Duleedka Magaalada Marka ayaa waxay faah faahin ka bixisay sida dilka maanta uga dhacay deegaankooda iyadoo sidoo kale Cod dheer ku sheegtay in bililiqo ka dhacday deegaanka iyo Haween badan oo la Kufsaday.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com