Dhageyso: Beelihi Ku Dagaalamay Gobolka Shabeellaha Hoose Oo Gaaray Heshiis Horudhac Ah.

0

Muqdisho(AGGM):Kadib dhawaan Dagaal Beeleed u dhexeeya Labo Beelood o0 wada Daga Gobolka Shabellaha Hoose uu ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xiisadaasi Colaadeed waxaa laga Gaaray Heshiis Hordhac ah.

Dhex dhaxaadinta Xalka Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Qeyb ka qaatay Odayaal ka socda Gobolada Baay iyo Bakool,oo Maalmahaan ku sugnaa Gobolka Shabellaha Hoose.

Diirshe Cumar Warsame oo ka mid ah Odayaasha mid kamid ah Beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in Heshiiska Hordhacaa ee Labada Dhinac ay kala Gaareen ay ka mid tahay in Xabada Lajooj iyo Dadkii Dagaalka ka Barakacayna dib loo soo celiyo.

Sidoo kale Maye Axmed Qaliif oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Asna sheegay in uu soo dhaweenayo Wada hadalka Tooskaa ee u dhaxeeya Beelaha ku dagaalamay Gobolka Shebellaha Hoose islamarkaana ku sheegay Tilaabo hore loo qaaday.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com